
Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Fadaraalka iyo dib u heshiisiinta Dowladda Jubbaland ayaa magaalada Kismaayo ku qabatay shirka Madasha isku-dubaridka howlaha Dowladdaha hoose.
shirka oo saddexdii biloodba mar la qabto ayaa lagu gorfeeyaa fursadaha, caqabadaha ka jira dowladaha hoose iyo sidoo kale wada shaqaynta dhamaan bah-wadaagta ay la leedahay Wasaarada Arrimaha gudaha.
Kulankan ayaa waxaa goob jog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Qorsheenta, maalgashiga iyo iskaashiga Caalamiga ee Dowladda Jubbaland, Qaar ka mid ah Agaasimiyaasha Wasaaradaha Dowladda Jubbaland, masuuliyiinta degmooyinka Jubbaland, hay’adaha bahwadagta la ah Wasaarada iyo marti sharaf kale.







![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







