
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Jubbaland, Mudane Maxamed Xuseen Maxamed, iyo saraakiil ka tirsan wasaaradda ayaa kormeer ku tagay xarumaha caafimaadka ee xaafadaha Midnimo, Bosnia iyo Danwadaag ee degmada Dhoobley.
Ujeeddada kormeerkan ayaa ahayd qiimeynta adeegyada caafimaad ee lagu bixiyo xarumahaasi, iyadoo booqashadani qayb ka tahay dadaallada joogtada ah ee wasaaradda ku doonayso horumarinta adeegyada caafimaadka ee gobollada iyo degmooyinka Jubbaland.






![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







