Wasiirka Haweenka Jubbaland oo Deeq Gaarsiisay Ciidamada Daraawiishta ee ku sugan Buulo-Gaduud

0
410
Wasiirka Wasaaradda Haweenka, Arrimaha Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka Dowladda Jubbaland, Marwo Cadar Cabdullaahi Ismaaciil, ayaa booqasho dhiirrigelin ah ugu tagtay ciidamada Daraawiishta Jubbaland ee ku sugan Taliska deegaanka Buulo-Gaduud, halkaas oo ay gaarsiisay sahay ay ka mid yihiin cunto fudud iyo buskud kayd ahaan loo isticmaali karo.
Wasiirka waxaa safarka ku wehliyay Guddoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Jubbada Hoose, Marwo Faadumo Aadan Kateela, iyo xubno kale oo ka tirsan haweenka degmada Kismaayo, kuwaas oo ciidanka ku dhiirrigeliyay booqashadooda.
Guddoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka, Marwo Faadumo Aadan Kateela, ayaa sheegtay in socdaalkoodu uu yahay mid muujinaya garab istaagga haweenka Jubbaland ee ciidamada ku sugan furimaha dagaalka, ayna doonayaan in ay la wadaagaan xaaladaha adag ee ay ku jiraan.
Dhankiisa, Taliyaha Guutada 2-aad ee Ciidamada Daraawiishta Jubbaland, Maxamuud Fanax, ayaa si diirran u soo dhaweeyay wafdiga wasiirka, isaga oo xusay in booqashada iyo deeqda la gaarsiiyay ay yihiin dhiirrigelin muhiim ah oo kor u qaadaysa niyadda ciidamada ku jira jiidda hore.
Marwo Cadar Cabdullaahi Ismaaciil, Wasiirka Haweenka Jubbaland, oo hadal ka jeedisay goobta, ayaa tilmaantay in booqashadani ay qayb ka tahay dhiirrigelinta iyo ka warqabka xaaladda ciidamada, iyadoo ku adkaysay in haweenka Jubbaland ay garab adag u yihiin ciidanka geesiyaasha ah ee dagaalka kula jira kooxaha nabadiidka ah.