Madaxweynha dowlada Jubbaland oo ka tacsiyay geeridii hanti dhowrihii guud ee Jubbaland

111

Madaxweynaha Jubaland  Axmed Maxamed Islaam, ayaa isagoo ku hadlaya Magaciisa, iyo kan Goleyaasha kala duwan ee waxaa uu Shacabka Soomaaliyeed, Bulshada Jubaland, qaraabadii, qoyskii iyo Saxiibadii uu ka baxay uga Tacsiyeeyay Alle ha u Naxariistee Hanti dhowrahii guud ee Jubaland Marxuum Cabdicasiis sheekh Xuseen Dayib oo ku geeriyooday Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya oo maalmahii lasoo dhaafay uu ku xanuunsanayay.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Alle ha u Naxariistee Cabdicasiis uu ahaa qof afgaaban oo alle ka cabsi badan isla markaana hormuud u ahaa nabadda iyo wadajirka wax walbana ka hormarin jiray danta guud ee umadda.

“ Marxuum Cabdicasiis wuxuu kamid ahaa aas aasayaashii Maamulka Jubaland isagoo mar walba ay ku weynayd sidii dadka Soomaaliyeed ay nabad iyo walaalnimo ugu wada noolaan lahayeen wuxuuna ka soo shaqeeyay qeybo kala duwan isagoo wakhti iyo naf huris u muujiyay wakhtiyo adag oo bulshadu ay u baahnayd.” Ayuu yiri Madaxweynahu.

Ugu danbayn Madaxweynahu wuxuu Alle “SWC” uga baryay marxuumka inuu u danbi dhaafo naxariistii jannana rabi uu ka waraabiyo.

Dhawan ayaa waxaa la filayaa in la Aaso meydka Hanti dhowrahii Guud ee Dowlad Goboleedka, waxana ka qeyb geli doona madax ka tirsan Maamulka Jubbaland iyo ehelladiisa.