Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Jubbaland ahna Kusimaha Madaxweynaha, Mudane Sheekh Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan, oo daahfuray Qorshaha Horumarinta Dowladda Jubaland ee 2025–2029.

0
452

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Jubaland ahna Kusimaha Madaxweynaha, Mudane Sheekh Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan, ayaa si rasmi ah u daahfuray Qorshaha Horumarinta Dowladda Jubaland ee 2025–2029.

Munaasabad ballaadhan oo ay soo agaasintay Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Dhaqaalaha Jubaland ayaa waxaa ka qeyb galay Xildhibaan Cabdirashiid Xidig oo Kimid Golaha BFS, labada Gole ee Dawladda Jubaland, Agaasimayaasha wasaaradaha Jubaland, Gudoomiyaha Dagmada Kismaayo, Ururrada bulshada rayidka ah, Ganacsato, Odayaasha Dhaqanka, qaar ka mid ah Madaxda Hay’adaha ka Hawlgala Deegaanada Jubaland iyo masuuliyiin kale.

Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Dhaqaalaha Jubaland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdi Axmex oo munaasabada hadal ka jeediyay ayaa sheegay in qorshahan cusub uu ka duwanaan doono kuwii hore, isla markaana bulshada reer Jubaland si buuxda looga talo galin doono, Wuxuu xusay in qorshahan cusub lagu soo bandhigi doono hab cusub ah oo lagu wajihidoono deeq-bixiyeyaasha iyo dowladaha Soomaaliya ka taageero Dawlad dhiska.

Dhankiisa, Xildhibaan Cabdirashiid Xidig oo munaasabadda ka hadlay ayaa ganacsatada Jubaland ku dhiirrigeliyay in ay xoogga saaraan wax-soo-saarka gudaha iyo maalgashiga warshadaha, halkii ay Lacagta dalka dibada u safrin lahaayen.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Jubaland ahna Kusimaha Madaxweynaha ayaa si rasmi ah u daah-furay hirgelinta Qorshaha Horumarinta Dowladda Jubaland ee shanta sano ee soo socota.