Wasaarada Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Dowlada Jubaland oo xariga ka jartay War-biyood

0
96
Wasaarada Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Dowlada Jubaland, ayaa xariga ka jartay War-biyood ay ka hirgalisay Tuulada Dalsan ee degmada Baladxaawo.
Munaasabadda xarig-jarka waxaa goob joog ahaa Isku-duwaha Wasaaradda ee Degmada Baladxawo Mudane Cabdikaadir Cabdirahman (Cagey), iyo Eng. Daud Ali Same.
Masuuliyiinta ayaa bulshada deegaanka si rasmi ah ugu wareejiyay war-biyoodka, iyagoo kula dardaarmay in ay ilaashadaan.
War-biyoodkan cusub ayaa leh awood uu ku qaadi karo in ka badan 13,200m³ oo biyo ah, waxaana loo dhameystiray dhammaan qaybihii muhiimka ahaa ee nidaamka biyaha, Sida: haanta weyn, watchman house, pump house, Uv iyo 2 animal troughs, iyo adeegyo kale oo dhameystiran.
Mashruucan ayaa qeyb ka ah Barwaaqo Project, waxaana maalgaliyey Bangiga Adduunka, iyadoo ay hirgelisay Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Jubbaland