Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka ee Jubbaland Mudane Abshir Mohamed oo Booqday Isbitaalka Guud ee Ceelwaaq

0
622
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda caafimaadka ee dowladda Jubbaland mudane’ Abshir Mohamed ayaa  safar shaqo ku soo gaaray Degmada Ceelwaaq ee gobalka Gedo.
Wasiirka ayaa ku meer ku tagay isbitaalka Guud ee degmada, oo ay dhawaan hirgalisay hay’ada Trocaire, waxaana soo dhaweeyay Gudoomiyaha Degmada Ceelwaaq Ibraahim Guled aaden, bahda caafimaadka oo uu horkacayay iskuduwaha Wasaaradda caafimaadka ee degmadda Ceelwaaq Cali Xasan mahad iyo mas’uuliyiin kale oo ka socday hay’ada Trocaire.
Wasiirka ayaa soo indha-indheeyay qeybaha kala duwan ee uu isbitaalka ka kooban yahay, waxuuna howlwadeenada isbitaalka iyo hay’ada Trocaire ku amaanay shaqada culus ee ay bulshada uhayaan.

kampung bet