
Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dowladda Jubaland ayaa magaalada Kismaayo si rasmi ah uga daahfurtay tababar ku saabsan xoojinta xogaha nidaamka isku dhafan ee ilaalinta, la socodka iyo ka jawaabista cudurrada faafa (IDSR).
Daahfurka tababarka waxaa ka soo qeybgalay Agaasimaha Waaxda Xaaladaha Caafimaadka Degdegga ah, Dr. Maxamed Shaciye, Agaasimaha Waaxda Caafimaadka Qoyska, Dr. Maxamed Bashiir, saraakiil ka tirsan Wasaaradda heerarkeeda kala duwan, wakiillo ka socday Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyo mas’uuliyiin ka socda Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO).
Tababarkan oo socon doona muddo laba maalmood ah ayaa loo qabtay shaqaalaha xarumaha caafimaadka ee dhammaan degmooyinka Gobolka Jubbada Hoose, kaas oo loogu talagalay in lagu kobciyo xirfadaha shaqaalaha ee la xiriira ogaanshaha iyo soo gudbinta xogta cudurrada faafa waqtigooda saxda ah, si loo xoojiyo awoodda jawaab celin degdeg ah iyo ka hortagga cudur dilaacyada.
Wasaaradda Caafimaadka Jubaland, iyadoo kaashaneysa bah-wadaagta caalamiga ah iyo kuwa gudaha, ayaa ka go’an in ay sare u qaaddo nidaamka la socodka iyo ilaalinta cudurrada faafa iyo xaaladaha degdegga ah, si bulshada Jubaland loogu xaqiijiyo adeeg caafimaad oo degdeg ah, wax ku ool ah, isla markaana looga hortago khataraha caafimaad ee ka dhalan kara cudurrada dilaaga ah.







![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







