Deegaanka Buula Gaduud Ee Waqooyiga Kismaayo Ayaa Waxaa Ka Curatay Raxmadii Eebbe Xilli Deegaankaas Uu la Daala-Dhacayay Abaaraha Ku Dhuftay Qaybo Badan Oo Dalka Katirsan.
Saameynta Ugu Weyn Ee Roobka Ka Curtay Buula Gaduud Ayaa Waxa Uu Ku yeeshay Danta Danta Yar Gaar ahaan Kuwa Deegaankaasi Ku Barakacay xilligii Abaaraha Ay ka jireen Gobolada Jubooyinka.
Qaar kamid Ah Dadka Danta Yar Deegaanka Buula Gaduud ku sugan lana Hadlay Radio Kismaayo Ayaa Dowlad Goboleedka Jubbaland iyo Hayadaha Samafalka Waxa ay Ka Codsadeen In lala Soo Gaaro Gar-gaar waxaana si Toos Ay Carabaabeen Inay Si gaar Ah Xilligaan Ugu Baan yihiin Marakaneecooyin Busto Ay Qabowga Dhacayo Ugu Gabaadaan Iyo Sidoo Kale Baco Ay saartaan Guryaha Cooshadaha Ka samaysan Ee Ay Hoy Ahaan Udagan Yihiin Dadkaan.
Inta Badan Qaybo Katirsan Deegaanada Jubbaland Waxaa Ku Hoortay Raxmadii Eebbe Xilli Sanadihii Dambe Dadka Deegaanada Jubbaland Si weyn Ay ugu Cabanayeen Abaaro ay ka jireen Deegaanka.