
Dowladda Jubaland waxay tacsi tiiraanyo leh u direysaa dhammaan ehelada, qaraabada, qoysaska iyo guud ahaan shacabka Jubaland ee ay ka baxeen saraakiil iyo askar ka tirsanaa Ciidanka Dowladda Jubaland, kuwaas oo ku geeriyooday dagaalka iyo colaadaha nasiib darada ah ee eedaysane Xasan Sheekh Maxamuud uu ka wado degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo.
Weerarkan ayaa ahaa mid si bareer ah loogu qaaday ciidamada Jubaland ee ku sugnaa talisyadooda, iyadoo amarka weerarka uu bixiyay taliska eedaysane Xasan Sheekh Maxamuud, ayna fulisay kooxda qaswade Cabdirashiid Indhokorey oo eedaysanuhu diyaarad ku geeyay magaalada Beledxaawo, si uu u kiciyo dagaal dhiig ku daatay. Falkan gardarrada ah wuxuu sababay khasaare naf iyo maalba leh, waxaana ka mid ahaa dhimashada saraakiil muhiim ah oo door weyn ku lahaa amniga gobolka.
Dowladda Jubaland waxay u aragtaa falkan inuu yahay qayb ka mid ah damaca indha la’aanta ah ee taliska eedaysane Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo muddo dheer ku hawlanaa abaabulka rabshado iyo dagaallo ka dhaca gobolka Gedo. Waxaa cadaatay in qorshaha taliskaasi uu yahay in dagaallo daba dheeraada laga huriyo deegaanada xuduudka ee gobolka, taas oo khatar ku ah shacabka Jubaland iyo xasilloonida guud ee dalalka dariska ah.
Dowladda Jubaland waxay mar labaad xaqiijinaysaa go’aankeeda ah inay si buuxda uga hortagayso isku day kasta oo lagu doonayo in lagu dumiyo Dowladda Jubaland iyo nidaamka Federaalka ah ee Soomaaliya taas oo ah hadafka weyn ee eedaysane Xasan Sheekh Maxamuud.
Ciidamada Dowladda Jubaland waxay ku sugan yihiin ciiddooda, waxayna mar walba diyaar u yihiin sidii looga hortagi lahaa damaca bahalnimada ah ee Eedaysane Xasan Sheekh Maxamuud iyo kooxdiisa.









