
Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluuga ee Dowladda Jubaland, Mudane Axmed Xasan Cumar, oo ay weheliyaan Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda, Mudane Maxamed Cumar Bunu, iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Maxamuud Cabdi Axmed, ayaa qaabilay wafdi heer sare ah oo ay hoggaamineysay madaxa xafiiska hay’adda ACTED ee Soomaaliya, Marwo Anna Martyres.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo bilaabi lahaa jihoyin iskaashi oo dhex mara Wasaaradda iyo hay’adda ACTED. Wafdiga ayaa loo soo bandhigay waxyaabihii ay Wasaaraddu qabatay, gaar ahaan mashaariicdii ugu miisaanka cuslaa ee ay ka faa’iideysteen kalluumeysatada Jubaland, kuwaas oo gundhig u noqday shaqo abuur iyo aqoon kororsi.
Intaa ka dib, Wasiirka ayaa wafdiga uga warbixiyay dadaallada togan ee Wasaaraddu ku horumarineyso kalluumeysatada Jubaland, isagoo iftiimiyay fursadaha iyo doorka hay’adda ACTED ay ka qaadan karto horumarinta kalluumaysiga.
Ugu dambeyn, wafdiga ayaa bogaadiyay hawlaha Wasaaraddu waddo iyo ka faa’iideysiga khayraadka badan, iyagoo sheegay in arrintani muhiim u tahay bulshada.










