
Taliyaha Saldhigga Booliska ee Degmada Kismaayo, Gaashaanle Warsame Axmed Geele, ayaa shir-guddoomiyey kulanka isbuuc-laha ah ee isku xirka hay’adaha amniga iyo bulshada.
Kulankan oo ka qabsoomay Saldhigga Dhexe ayaa waxaa ka soo qayb-galay saraakiil kala duwan oo ka tirsan laamaha amniga iyo guddoomiyeyaasha xaafadaha Magaalada Kismaayo.
Intii uu kulanku socday waxaa lagu falanqeeyey guud ahaan xaaladda amniga ee degmada, iyadoo si gaar ah diiradda loo saaray arrimo dhowr ah oo muhiim u ah sugidda nabadgelyada.
Ugu dambayn, mas’uuliyiintu waxay hoosta ka xariiqeen muhiimadda wada-shaqeynta bulshada iyo hay’adaha amniga si loo xaqiijiyo nabad iyo kala dambaynta ka jirta magaalada Kismaayo.









