
Guddoomiyaha Doolow oo Tababar u Soo Xiray Ciidamo ka Tirsan Daraawiishta Jubbaland.
Guddoomiyaha Degmada Doolow ee Gobolka Gedo, Maxamed Xuseen Cabdi Lafeey, ayaa maanta tababar u soo xiray ciidamo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Jubbaland, kuwaas oo bilihii lasoo dhaafay tababar ciidan oo heer Kumaandoos ah ku qaadanayay degmada Doolow.
Guddoomiye Lafeey ayaa hambalyo u diray ciidamada maanta soo gabagabeeyay tababarka, isagoo kula dardaarmay inay aqoonta iyo casharradii ay barteen ugu adeegaan dalkooda iyo dadkooda, gaar ahaan sugidda amniga, xoreynta deegaannada ay cadowgu haystaan iyo ilaalinta dowladnimada Jubbaland.
Guddoomiyaha ayaa sidoo kale ciidamada kula dardaarmay inay ilaaliyaan anshaxa, sharafta iyo sumcadda Ciidanka, dhowraan midnimada iyo qarannimada dalka, isla markaana waajibaadkooda u gutaan si daacadnimo, waddaniyad iyo masuuliyad leh.
Ugu dambeyn, Guddoomiye Lafeey ayaa si gaar ah ugu mahadceliyay hoggaanka ciidamada, gaar ahaan Taliyaha Amniga Doolow, Maxamed Xasan Buulle, isagoo ku ammaanay hoggaan hufan, isku-duubni iyo daacadnimo uu kaga miro-dhaliyay waajibaadka hay’adaha sirdoonka iyo Ciidanka Daraawiishta Jubbaland.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







