
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Jubaland, Mudane Axmed Faarax Cali (Aweys), ayaa dhagax dhigay dugsiyo cusub oo heer hoose, dhexe iyo sare ah oo laga hirgelinayo degmada Baardheere ee gobolka Gedo.
Dugsiyadan oo uu maalgelinaayo mashruuca horumarinta awoodda aadanaha ee Human Capital Project, ayaa waxaa fulinaysa Wasaaradda Waxbarashada Jubaland. Mashruucan ayaa ujeeddadiisu tahay in lagu xoojiyo tayada waxbarashada isla markaana la helo fursado waxbarasho oo siman oo gaaraya dhammaan caruurta ku nool degmada, gaar ahaan kuwa aan wali helin waxbarasho rasmi ah.
Agaasimaha guud ayaa khudbad uu u jeediyey bulshada ku nool degmada ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay waxbarashada, isaga oo ku booriyey waalidiinta iyo bulshada inteeda kale in ay door muuqda ka qaataan ilaalinta iyo horumarinta dugsiyada. Wuxuu si gaar ah ugu dardaarmay in la keeno ardayda wali ka maqan waxbarashada aasaasiga ah, si aysan u lumin fursaddan dahabiga ah oo ay ku heli karaan mustaqbal ifaya.
Agaasime Aweys ayaa tilmaamay in Wasaaradda Waxbarashada Jubaland ay ka go’an tahay sidii waxbarasho tayo leh loo gaarsiin lahaa dhammaan deegaannada Jubaland, iyada oo iskaashi lala yeelanayo hay’adaha taageera horumarinta waxbarashada.






![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







