
Guddoomiyaha Degmada Afmadow ahna Duqa Magaalada, Cabdiraxmaan Macalin Cali (Xaaji Maaji), ayaa si rasmi ah u daah-furay Barnaamijka Ka-qaybgalka Bulshada iyo Wacyigelinta, oo ah mid muhiimad gaar ah u leh bulshada deegaanka.
Mashruucaan oo diiradda saaraya kor u qaadista wada shaqeynta bulshada iyo hay’adaha samafalka bixiya, ayaa waxaa hirgalintiisa dadaal badan ku bixinaya Maamulka Degmada Afmadow.
Ujeedada barnaamijkan ayaa ah in la xoojiyo xiriirka iyo is-fahamka ka dhexeeya bulshada iyo hay’adaha ka howlgala deegaanka, si loo gaaro horumar waara iyo nabadgelyo bulsho oo la isku halleyn karo.
Kulanka daahfurka ayaa waxaa kasoo qayb galay xubno muhiim ah oo ka kala socday Maamulka Degmada, Odayaasha Dhaqanka, Wax-garadka, Dhalinyarada iyo Ururka Haweenka, kuwaas oo muujiyay sida ay uga go’an tahay ka qaybqaadashada barnaamijyada horumarineed.
Duqa Magaalada Afmadow Cabdiraxmaan Macallin Cali (Xaaji Maaji) ayaa intii kulanka socday dhageystay warbixino kala duwan oo ay soo bandhigeen madaxda ururada Bulshada, isagoo si gaar ah ugu mahadceliyay dadaalkooda joogtada ah ee ay ugu jiraan horumarinta bulshada. Wuxuuna carabka ku dhuftay muhiimadda ay leedahay in la fuliyo mashaariic wax ku ool ah oo si dhab ah u taabanaya baahiyaha shacabka.







![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)






