Agaasimaha Guud ee Maaliyadda Jubaland oo Daahfuray Mashruuca SERP ee Horumarinta Dowladnimada

0
292
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Jubaland, Mudane Nuur Shaalle ayaa maanta furay furay Mashruuca Maareynta Khayraadka Dadweynaha ee loo yaqaano SERP oo Soomaaliya ka taageera horumarinta hay’adaha iyo bixinta adeegga, si loo xoojiyo heshiiska bulsho ee ka dhaxeeya dowladda iyo muwaadiniinta.
Mashrruca SERP waa mashruuc ka caawiya dawladda Soomaaliya kobcinta dowladnimada isaga oo diiradda saaraya wada shaqaynta iyo isku xidhka u dhexeeya sare u qaadidda abaabulka dakhliga gudaha (DRM), maamulka maaliyadda dawladda (PFM), iyo maamulka qeybaha dawladda (PSM).
Ujeedada ugu weyn ee Mashruuca Maareynta Kheyraadka Dadweynaha ee Soomaaliya waa xoojinta isla-xisaabtanka, daah-furnaanta iyo xoojinta awoodda hay’adaha ee maareynta kheyraadka dadweynaha.