
Agaasimaha Guud ee wasaaradda qorsheynta Dowlada Jubaland oo uu wehlinaayo Agaasimaha Guud ee wasaaradda Howlaha guud ayaa kormeer shaqo ku tagtay guryaha xalka waara.
Ujeedka Kormerkan ayaa darnaa qiimeenta nolosha dadkii la dajiyay guryaha xalka waraa sida ay tahay.
Qaar ka mid ah Masuliyiinta Deegaanka ayaa Agasimayaasha oga war bixiyay xalada dadka deegaanka.
Agaasimaha guud ee wasaaradda Howlaha guud ee Jubbaland Cabdishugri Carab ayaa sheegay inay muhiim tahay ka war heynta nolosha dadka la dajiyay Guryah.
Agaasimaha Guud ee wasaaradda qorsheynta Maalgashiga iyo iskaashiga Caalamiga ah ee Dowlada Jubaland Maxamed Wali ayaa sheegay in loo bahan yahay dadka inay la yimadaan hal abuur noloshoda wax ka badali karo.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







