Wasaaradaha amniga iyo caddaaladda Jubbaland oo Doolow ku qabtay madasha furan ee billaha ah.

0
4
Wasaaraddaha amniga Gudaha iyo Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Jubbaland ayaa  si wadajir ah u qabtay kulanka madasha furan ee billaha ah, kaasoo lagu qabtay degmada Doolow ee gobolka Gedo. Madashan furan ayaa ah hannaan wadatashi bulsho ku saleysan oo lagu dhiirrigelinayo iskaashi iyo kalsooni ka dhaxeysa bulshada rayidka ah iyo hay’adaha caddaaladda iyo amniga.
Shirka ayaa waxaa daahfuray Guddomiye Kuxigeenka Degmada Doolow Aadan Barre Ali sido kale waxaa ka soo qeyb galay xubno matalayay qeybaha kala duwan ee bulshada sida odayaasha dhaqanka, Booliska, dhalinyarada, haweenka, culimada, iyo bulshada rayidka guud ahaan.
Kulankan ayaa ahaa fursad muhiim ah oo lagu kobcinayay wada-shaqeynta iyo is-aaminaadda u dhexeysa bulshada iyo hay’adaha caddaaladda iyo amniga. Ujeeddada ugu weyn waxay ahayd in la xoojiyo isdhexgalka bulshada iyo hay’adaha amniga iyo caddaaladda, isagoo siiyey fursad ay bulshada kaga dhiibato su’aalo, cabashooyin, iyo xogaha muhiim ka ah, taasoo kor u qaadday wada shaqeynta iyo kalsoonida labada dhinac.