
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Jubaland, Mudane Cabdinaasir Seeraar Maax, iyo Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Mudane Cabdullaahi Dhubad Shiil, ayaa maanta si rasmi ah magaalada Kismaayo uga dhagax-dhigay Xarunta Tababarka Macalimiinta Jubaland.
Xaruntan cusub ayaa noqon doonta goob muhiim ah oo lagu tababaro macallimiin xirfad sare leh, kuwaas oo door weyn ka qaadan doona tayeynta waxbarashada iyo horumarinta jiilka soo koraya.
Munaasabadda dhagax-dhigga ayaa waxaa ka soo qeyb galay Guddoomiyaha Degmada Kismaayo iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, gaar ahaan hawl-wadeennada Wasaaradda Waxbarashada.
Mashruucan cusub ayaa qeyb ka ah dadaallada ay Dowladda Jubaland ku horumarinayso tayada waxbarashada iyo dhismaha awoodda macallimiinta si loo gaaro himilooyinka waxbarasho ee Gobolka.





+6

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







