Booliska Jubbaland oo Xoojinaya Ka Hortagga Tacaddiyada ka Dhanka ah Haweenka iyo Carruurta

0
112
Waaxda Ka Hortagga Tacaddiyada Ka Dhanka ah Haweenka iyo Carruurta ee Booliska Jubbaland ayaa sii wada dadaallada lagu xoojinayo kalsoonida bulshada ku nool deegaannada Jubbaland, gaar ahaan magaalada Kismaayo.
Iyadoo laga duulayo himiladaas, Waaxdu waxay xarunteeda ku martigelisay Golaha Dhallinyarada Jubbaland iyo Ururka Haweenka Jubbaland, halkaas oo lagu qabtay kulan looga hadlay himilooyinka iyo ujeeddooyinka la wadaago. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta iyo sidii loo heli lahaa habab wax ku ool ah oo lagu yareyn karo lagagana hortagi karo kiisaska rabshadaha ku saleysan jinsiga (SGBV) ee ka dhaca deegaannada Jubbaland.
Sidoo kale, Waaxdu waxay magaalada Kismaayo ka fulisay olole wacyigelin ah oo bulshada lagu baraarujinayay muhiimadda ka hortagga rabshadaha ku saleysan jinsiga, iyadoo fariimo wacyigelin ah gaarsiisay shacabka ku sugnaa waddooyinka magaalada.
Dhanka kale, xubnaha Waaxda ayaa waqti la qaatay carruurta ku nool waddooyinka magaalada, iyagoo u gudbiyay fariimo dhiirrigelin, daryeel iyo wacyigelin ku saabsan ilaalinta xuquuqdooda, badqabkooda iyo muhiimadda ay leedahay in bulshadu door muuqda ka qaadato taageeradooda.