Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Dowlada Jubaland oo Shir-guddoomiyey Shirka Billaha ah ee Shaqaalaha Wasaaradda Caafimaadka

0
425
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Dowlada Jubaland, Mudane Ismaaciil Axmed Garas,
ayaa hir guddoomiyey Shirka Billaha ah ee Shaqaalaha Wasaaradda Caafimaadka Jubaland.
Shirkan oo si joogto ah bishii mar loo qabto, ayaa waxaa ka soo qeybgalay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Maxamed Xuseen Maxamed, Agaasimayaasha Waaxyaha, Madaxda Qeybaha kala duwan, Saraakiisha Wasaaradda, iyo sidoo kale Isku-duwayaasha Caafimaadka Gobollada iyo Degmooyinka Jubaland, kuwaas oo qaar kamid ah shirka uga qeybgalay habka fogaan-aragga.
Intii kulanku socday, Wasiirka ayaa dhageystay warbixinno dhameystiran oo ay soo jeediyeen Agaasimaha Guud, Agaasimayaasha waaxyaha, shaqaalaha iyo isku-duwayaasha caafimaadka, kuwaas oo la xiriiray xaaladda guud ee shaqada iyo habsami u socodka adeegyada caafimaadka ee bulshada Jubaland.
Falanqeyn iyo aragti isweydaarsi kadib oo u dhaxeysay Wasiirka Wasaaradda Cafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dowladda Jubbaland Mudane Ismaaciil Axmed Garas iyo Howl-wadeenada kale ee Wasaaradda ayaa waxaa la isla gartay: In la kordhiyo tayada iyo joogteynta adeegyada caafimaadka ee gobollada iyo degmooyinka Jubaland.
In si dhow loola socdo xaaladaha caafimaad ee degmooyinka, gaar ahaan kuwa miyiga iyo meelaha ay adag tahay in adeegyada gaaraan, In la dardargeliyo tababarada iyo aqoon-kororsiga shaqaalaha caafimaadka si loo hubiyo adeeg tayo sare leh, In si wadajir ah looga shaqeeyo wacyigelinta bulshada ee ku saabsan cudurrada faafa iyo ka hortaggooda, iyo In si joogto ah loo sameeyo kormeer iyo dabagal ku saabsan adeegyada caafimaad ee goobaha hoos yimaada wasaaradda.
Ugu dambeyn Mudane Ismaaciil Axmed Garas Wasiirka Wasaaradda Cafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dowladda Jubbaland ayaa uga mahadceliyey dhammaan shaqaalaha wasaaradda iyo howl-wadeenada qaybaha kala duwan, dadaalka ay ugu jiraan u adeegidda bulshada ku nool deegaanada Jubaland, waxa uuna ku dhiirrigeliyey in la sii xoojiyo dadaallada lagu horumarinayo adeegyada caafimaad, si loo hubiyo in bulshada Jubaland ay helaan adeeg caafimaad oo tayo leh oo joogto ah.