Madaxweynaha Dowladda Jubaland oo Xariga Ka Jaray Saldhigga Dhexe ee Booliska Degmada Kismaayo

0
252
Madaxweynaha Dowladda Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa xariga ka jaray Saldhigga Dhexe ee Degmada Kismaayo ee Ciidanka Booliska Dowladda Jubaland.
Saldhiggan oo si casri ah loo dhisay ayaa beddeli doona saldhiggii hore ee degmada, kaas oo ahaa mid qadiimi ah oo soo jiray muddo ka badan boqol sano.
Munaasabad kooban oo lagu furayay Saldhigga Dhexe ee Degmada Kismaayo ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiir ku xigeenka Amniga, Mudane Aadan Xaaji, Taliyaha Guud ee Ciidanka Darawiishta Jubaland, Jeneraal Ismaaciil Saxardiid iyo Taliyaha Qaybta Gobolka Jubbada Hoose, Gaashaanle Sare Sadiiq Maxamuud Dhogor.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale kormeeray qaybaha kala duwan ee uu saldhiggu ka kooban yahay.
DHAMMAAAD.