
Madaxweynaha Dowladda Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa si rasmi ah xariga uga jaray dib-u-dhiska ballaaran ee lagu sameeyay Xarunta Qaybta Booliska Gobolka Jubbada Hoose. Dhismahan cusub ayaa ah mid casri ah oo lagu tayeynayo adeegyada amni ee gobolka.
Dowladda Jubaland ayaa dadaal xoogan ku bixisay hirgelinta mashruucan, iyada oo ujeedadu tahay in la xoojiyo adeegyada booliska iyo ilaalinta nabadgelyada. Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay Taliyaha Qaybta Booliska, Sadiiq Maxamuud, dadaalka uu muujiyay iyo hogaaminta wanaagsan ee lagu dhisay xaruntan muhiimka ah.
Intii uu socday xafladda furitaanka, Madaxweynaha ayaa shahaado-sharafyo gudoonsiiyay qaar ka mid ah saraakiisha booliska oo si hagar la’aan ah ugu soo shaqeeyay bulshada, taasoo muujinaysa dhiirrigelinta iyo abaalmarinta shaqada wanaagsan ee la qabto





Fethi Ali Sherif, Mohamed Ugaas Khalif MK and 403 others

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







