
Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Dowladda Jubaland ayaa magaalada Kismaayo ku qabatay munaasabad lagu xusayay toddobaadka Naas-nuujinta Adduunka oo caalamka laga xuso 1-da ilaa 8-da August sanad kasta, si kor loogu qaado wacyigelinta muhiimadda naas-nuujinta iyo dhiirrigelinta hooyooyinka.
Munaasabaddan ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada, Mudane Ismaaciil Axmed Garas, wasiirro ka tirsan Golaha Xukuumadda Jubaland, Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Bulshada ee Golaha Wakiillada Jubaland Xildhibaan Shire, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Mudane Maxamed Xuseen, shaqaalaha wasaaradda, xubno ka socday hay’adaha caalamiga ah ee ka shaqeeya arrimaha caafimaadka, culimada, Ururka Dhakhaatiirta Jubaland, ururada bulshada, iyo marti sharaf kale.
Mas’uuliyiinta ka hadlay munaasabadda ayaa si qoto dheer uga hadlay muhiimadda ay leedahay naas-nuujintu, iyagoo hooyooyinka ku booriyay in ay si buuxda u naas-nuujiyaan carruurtooda. Waxa ay tilmaameen in caanaha naaska ay ka buuxaan nafaqo dhammeystiran oo muhiim u ah korriinka jirka iyo maskaxda ilmaha, isla markaana sare u qaada difaaca jirka.
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ee Jubaland oo munaasabadda si rasmi ah u soo xiray, ayaa sheegay in tirada carruurta Soomaaliyeed ee helaya naas-nuujin buuxda ay aad u yar tahay, taasoo saameyn taban ku yeelata korriinkooda. Waxa uu xusay in ololaha xuska naas-nuujinta sanadkan uu muhiimad gaar ah siinayo kor u qaadista wacyiga bulshada si carruurta Soomaaliyeed ay u helaan naas-nuujin buuxda muddada ugu horreysa ee noloshooda.
Xuska Toddobaadka Naas-nuujinta Adduunka ayaa ah fursad muhiim ah oo sanad kasta caalamku isugu yimaado si loo xoojiyo wacyigelinta bulshada, loona dhiirrigeliyo hooyooyinka in ay carruurtooda si buuxda oo joogto ah ugu naas-nuujiyaan lixda bilood ee ugu horreysa nolosha, ayna siiyaan cunto dheeraad ah oo nafaqo leh tan iyo inta uu ilmuhu gaaraayo laba sano.















