Baydhabo: Aabe iyo laba Carruur ah oo dab ku geeriyoodey

1037

Dab geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo burbur hantiyadeed ayaa waxaa uu xalay ka kacay guri ku yaalla Xaafada Howl-Wadaag ee Magaalada Baydhabo gaar ahaan agagaarka xaafada Onodka ee Magaaladaasi Baydhabo.

Dabka ayaa waxaa la sheegay in uu yimid, kadib markii uu dab qabsadey Shidaal Guriga yaaley,waxaana uu sababey Geerida nin lagu Magacaabi jirey Sheekh Cumar iyo laba Carruur ah oo uu dhaley.

Ilaa iyo hadda majiraan masuulin katirsan maamulka degmada baydhabo oo ka hadlay dabka