Ciidamada Daraawiishta Jubbaland oo Fashiliyey Weerar Argagixisadu damacsaneed.

0
208

Ciidanka geesiyada Dowladda Jubbaland, gaar ahaan Guutada Labaad, Ururka Labaad ee Daraawiishta, ayaa howlgallo guuleystay ka fuliyay deegaanada Malkaadhadhaja, Qalowlaha iyo tuulooyin kale oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.

Howlgalkan oo si xeeladeysan loo fuliyay ayaa looga hor tagay weerarro ay damacsanaayeen kooxaha nabad-diidka ah ee argagixisada.

Ciidamadu waxay heleen xog sirdoon oo la xiriirta qorshayaasha damaca cadowga, taasi oo u suurto gelisay inay si degdeg ah uga hortagaan halistaasi.

Taliyaha ururka labaad ee Daraawiishta dowladda Jubbaland, Gaashaanle Dhexe Asad Axmed Maxamed (Asad Garweyne), oo hogaaminayay howlgalkan, ayaa u sheegay Radio Kismaayo – codka Jubbaland – in ciidamadu ay horay u hayeen xog sugan oo ku saabsan dhaq-dhaqaaqa maleeshiyaadka khawaarijta, taas oo keentay in si guul leh looga hortago dhagartii ay wadeen.

“Alle mahaddii, ciidankeennu waxay si geesinimo leh uga hortageen cadowga oo qorsheynayay falal amni darro howlgalkani wuxuu qeyb ka yahay dedaalka joogtada ah ee lagu xaqiijinayo nabadda iyo xasiloonida gobolka,” ayuu yiri Taliye Asad Garweyne.

Ciidamada Daraawiishta Jubbaland ayaa marar badan oo hore fashiliyey weerarro iyo dhagar ay kooxaha argagixisada ku doonayeen inay ku qalqal geliyaan amniga shacabka.