Xiriirka Kubadda Cagta Jubbaland oo Agab Ciyaareed Gudoonsiiyey Kooxaha Kubadda Cagta ee Degmada Doolow

0
261
Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Jubbaland, Mudane Axmed Cabdullaahi Axmed, oo uu wehlinayo Guddoomiyaha Ciyaaraha Degmada Kismaayo, Aadan Iimaan Dhaqane, ayaa agab ciyaareed gudoonsiiyey kooxaha kubadda cagta ee ka dhisan gobolka Gedo, gaar ahaan Kooxaha Degmada Doolow.
Munaasabadda gudoonsiinta oo si habsami leh uga dhacday Degmada Doolow ayaa waxaa goob-joog ka ahaa masuuliyiin kala duwan iyo marti sharaf, iyadoo agabka ciyaareedka uu ka guddoomay Guddoomiyaha Ciyaaraha Gobolka Gedo, Mudane Cabdullaahi Cabdiqaadir (Cabka), oo si weyn u ammaanay taageerada joogtada ah ee bahda ciyaaraha Jubbaland u fidiso kooxaha ka jira deegaannada Jubbaland.
Dadaalladan ayaa qeyb ka ah qorshaha ballaaran ee Xiriirka kubada cagta Jubbaland uu ku horumarinaayo ciyaaraha gobollada, gaar ahaan sidii dhalinyarada loogu abuuri lahaa fursado ay ku kobciyaan kartidooda ciyaareed.
Mas’uuliyiinta Xiriirka Kubada Cagta Jubbaland ayaa sidoo kale ballan qaaday in ay sii xoojin doonaan taageerada noocan ah, iyagoo diiradda saaraya horumarinta ciyaaraha, isku xirka kooxaha kala duwan, iyo kobcinta nabadda iyo isdhexgalka bulshada.