Ciidamada Halyeeyada Jubbaland iyo kumaandooska  Danab oo Howlgal Guul Leh ku Khaarajiyay Horjoogayaal Ka Tirsan Khawaarijta .

0
519

Ciidamada geesiyaasha ah ee dowladda Jubbaland, oo kaashanaya Kumaandooska Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Danab, ayaa howlgal qorsheysan oo si heer sare ah loo fuliyey ka sameeyay degaanka Kaam-Jiroon, oo muddo dheer u ahayd talis muhiim ah oo ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka Khawaarijta.
Howlgalkan oo si taxaddar leh loo abaabulay, ayaa lagu qaarijiyay laba horjooge oo sare oo ka tirsan argagixisada Al-Shabaab, iyo shan ka mid ah ilaaladooda gaarka ah.

Labada horjooge ee la dilay ayaa kala ahaa:Roobla Xasan – horjoogihii maleeshiyaadka ee tuulada Kaam-Jiroon
Maadey – Madaxii wax ay ugu yeeran Maaliyadda ee deegaanka Wayaanta, oo ka tirsan galbeedka gobolka Jubbada Hoose
Sidoo kale, howlgalkan ayaa lagu burburiyay xarumo muhiim ah oo ay kooxdaasi u adeegsan jirtay talisyo iyo kaydyo saanadeed.
Howlgallo kale oo xiriir ah ayaa si xoog leh uga soconaya deegaanada ku yaalla galbeedka gobolka Jubbada Hoose, kuwaas oo lala beegsanayo meelaha ay Khawaarijtu ku dhuumaaleysanayaan.

Tallaabadan ayaa ku soo beegmaysa xilli ay maalmo ka hor ciidamada Jubbaland deegaanka Barjalaa ku laayeen tiro badan oo ka tirsan maleeshiyaadka Khawaarijta, taasoo calaamad cad u ah guusha sii socota ee dagaalka lagula jiro argagixisada.