
Madaxweynaha Dowladda Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Alle ha u naxariistee Halgamaa Xaaji Cali Cabdille Fiixiye (Cali-Shoocaac), oo ku geeriyooday magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Madaxweynuhu wuxuu sheegay in Marxuum Cali-Shoocaac uu ahaa tiir ka mid ah halgamayaashii iyo haldooradii Soomaaliyeed ee door muuqda ka qaatay difaaca dalka, horumarinta dhaqanka Soomaaliyeed, iyo halgannadii lagu baadi-goobayay midnimada iyo danaha ummadda Soomaaliyeed.
Waxa uu xusay in marxuumku muddo dheer u soo adeegay shacabka Soomaaliyeed, isagoo ka tirsanaa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kana qayb qaatay marxalado taariikhi ah oo muhiim u ahaa dalka.
Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelka, asxaabta, iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay marxuumku, isagoo Alle uga baryay inuu naxariistiisa Janno ka waraabiyo, dambigiisana dhaafo, samir iyo iimaanna ka siiyo dhammaan ehelkii, qaraabadii, iyo shacabka Soomaaliyeed

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







