Shirka Gollaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada Dalka oo maalintii labaad Ka Socda Garowe

1112

Magaalada Garawe ee Caasimada Puntland waxaa maalintii Labaad ka socdo Shirka Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada Dalka oo shalay ka Furmay Halaasi.

Waxaana ka qeyb galaya shirkan Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Dalka ee kala ah, Gudoomiyaha Gollaha Iskaashiga Dowlad Goboledyada dalka Ahna Madaxweynaha Puntland Dr Cabdi Wali Maxamed Cali Gaas, Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf, Madaxweynaha Dowlad Goboledka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, iyo Madaxweynaha Koonfur galbeed Shariif Xassan Sheikh Aaden.
Ugu Dambeyntii Waxaa la filayaa Gabagabada Shirkan in laga soo saaro warmurtiyeed.