Sagootin loo sameeyay Saraakiil Booliis oo dalka dibadiisa aqoon korarsi u aadaya

67
Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaalieed, Sareeye Guuto. Sulub Axmed Firin, ayaa maanta Xaflad Sagootin ah ugu sameeyayay Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed saraakiil iyo kormeerayaal katirsan Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed kuwaasi oo dalka dibadiisa u aadaya aqoon kororsi ku aadan sara u qaadida xirfadaha Boliiska,
Saraakiishan iyo Kormeerayaashan ayaa u kala baxaya Yurub. Afrika iyo Aasiya waxa ayna ku soo baranayaan xirfadaha kala duwan ee la xiriira Boliiska.
S/Guuto Sulub axmed Firin oo lahadalay Saraakiisha iyo kormeerayaashan ayaa kula dar daarmay in ay ka faa’iideystaan xirfadaha wadamada ay u ambabaxayaan sidoo kalana uga faa’iideeyaan xirfadaha ay yaqaanaan.