Dowladda Jubbaland ayaa tababar u soo xirtay dafcaddii labaad ee Ciidanka Booliska Gaarka ah.

0
362

Waxaa si rasmi ah loogu soo xiray tababar dufcaddii 3-aad ee Ciidanka Booliska Gaarka ah ee Dowladda Jubaland.
Ciidankan oo markii hore ka koobnaa 200 askari, ayaa 100 kamid ah si rasmi ah ugu soo baxay tababarka, iyagoo hadda si buuxda ugu biiray Ciidanka Booliska Gaarka ah.

Askartan cusub ayaa noqon doona laf-dhabarta sugidda amniga iyo ilaalinta sharciga ee Jubaland.
Tababarkani oo socday muddo ayaa diiradda lagu saaray dhismaha xirfadaha, anshaxa iyo aqoonta askarta si ay waajibaadkooda qaran u gutaan si hufan, gaar ahaan ilaalinta nabadgelyada shacabka iyo difaaca dowladnimada.

Munaasabad si heer sare ah loo agaasimay oo lagu gudoonsiinayay shahaadooyin ayaa ka dhacday xerada ciidanka gaarka ah ee Kumaandooska Danab ee magaalada Kismaayo. Munaasabadda waxaa ka qeyb galay masuuliyiin kala duwan oo ay ka mid yihiin:
• Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Amniga Gudaha Jubaland, Mudane Aadan Axmed Xaaji
• Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Dowladda Jubaland, Jeneraal Ismaaciil Saxardiid
• Ku-simaha Taliyaha ahna Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Jubada Hoose, Col. Sadiq Maxamed Dhogor
• Taliyaha Amniga Garoonka Kismaayo, Gaashaanle Dhexe Maxamed Xayi Axmed (Badar)
• Taliyaha Ururka 162aad ee Guutada 16-aad ee Ciidamada Danab, Laba-Xidigle Caarif Hire Salaad
• Saraakiil ka socotay Ciidamada Mareykanka ee AFRICOM
Ugu dambeyn, dhammaan masuuliyiinta ka qeyb galay munaasabadda ayaa askarta dhammeysatay tababarka u rajeeyey guul, xilkasnimo