
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Jubbaland, Mudane Abshir Maxamed Cabdi, oo maalmahan ku sugan degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo, ayaa maanta booqday xerada ciidanka guutada 3aad ee daraawiishta dowladda Jubbaland ay ku leeyihiin degmada Ceelwaaq.
Wasiir Abshir waxaa socdaalkiisa ku wehliyay Wasiiru-Dowlaha Amniga Jubbaland, Maxamed Cabdi Kaliil, iyo Guddoomiye ku-xigeenka Horumarinta Mashaariicda iyo Xiriirka Hay’adaha ee gobolka Gedo, Aadan M. Mungay.
Wasiir ku-xigeenka caafimaadka Jubbaland waxaa halkaas si diirran ugu soo dhaweeyay saraakiisha ciidanka daraawiishta Jubbaland ee degmada Ceelwaaq iyo qaar ka mid ah maamulka degmada.
Intii uu halkaa ku sugnaa, wuxuu ciidanka ku wareejiyey deeq isugu jirtay daawooyin iyo neef geel ah, taasoo uu ugu talagalay in lagu dhiirrigeliyo ciidamadaas u taagan difaaca dadka iyo deegannada Jubbaland habeen iyo maalin.


![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







