
Dowladda Jubbaland, iyadoo ka duulaysa ilaalinta nabadda iyo xasilloonida dadka reer Beledxaawo, ayaa dadaallo nabadeed kaddib si nabad ah u soo afjartay xiisaddii ka jirtay magaalada Beledxaawo ee gobolka Gedo.
Dadaallada nabadeed ee lagu xoojinayo amniga iyo xasilloonida Degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo ayaa miro-dhalay, kaddib markii si nabad ah loo soo afjaray xiisaddii muddooyinkii dambe ka taagnayd halkaas.
Dowladda Jubaland waxay u mahadcelinaysaa qeybaha kala duwan ee bulshada, sida waxgaradka, haweenka, aqoonyahannada, dhallinyarada iyo saraakiisha kala duwan ee ciidammada ee ka qeybqaatay dadaallada nabadeed ee lagu baajiyey dhiig dambe oo ku daata deegaanka.
Bulshada Beledxaawo waxay hore u soo martay colaado reebay khasaaro naf iyo maalba leh, barakac iyo dhaawac ku yimid nolosha iyo wadajirka bulshada.
Sidaas darteed, waxaan bogaadinaynaa bisaylka iyo u heelanaanta nabadda ee dadka ku nool Beledxaawo iyo guud ahaan ree Jubaland, kuwaas oo mar kale muujiyey in kala aragti duwanaanshaha lagu xallin karo wada-hadal, is-qancin iyo wadajir.
Dowladda Jubaland waxay u mahadcelinaysaa cid kasta oo gacan ka geysatay soo afjaridda xiisadda, si shacabka Beledxaawo ay u helaan nabad waarta oo sal adag.
Nabad baa naas la nuugo leh; nabaddu waa saldhigga nolosha, wadajirka iyo horumarka bulshada.
– DHAMMAAD –

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







