
Maxkamadda ciidamada qalabka sida iyo dambiyada culus ee dowladda Jubbaland ayaa maanta u fadhiisatay garmaqalka koowaad ee kiiska uu eedeysanaha ka yahay Cabdifataax Maxamed Cali, kaas oo lagu eedeeyay afduub iyo dil bareer ah.
Kiiska ayaa la xiriira afduubka iyo dilka marxuumad Caasha Bakaari Barkaale (Joonjo), waxaana dhacdadu dhacday 6-dii Agoosto 2026 xaafadda Calanleey ee degmada Kismaayo.
Fadhiga maxkamadda waxaa guddoomiyay guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ee dowladda Jubbaland G/Sare Cabdullaahi Maxamuud Ibraahim waxaana goob joog ka ahaa ku-xigeennadiisa, ehelada marxuumadda, xeer ilaaliyaha ciidamada qalabka Sida ee Jubbaland iyo qareenka difaacaya eedeysanaha.
Intii uu socday fadhiga, maxkamaddu waxay su’aalo weydiisay eedeysanaha, halka Xeer Ilaaliyuhu uu soo bandhigay faahfaahinta kiiska.
Qareenka difaacaya eedeysanaha ayaa isna maxkamadda ka hor jeediyay doodiisa.
Ugu dambeyn guddoomiyaha maxkamadda ayaa soo xiray garmaqalka koowaad ee kiiska.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







