Masuuliyiin ka socaday wasaradda amniga dowladda Jubbaland oo kormeer ku sameeyay goobaha adeegyada dadweynaha ee Raaskaambooni

0
2

Masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Amniga Gudaha Dowladda Jubbaland, saraakiil ka socota Taliska Qaybta Booliska Gobolka Jubbada Hoose iyo maamulka Degmada Badhaadhe ayaa kormeer iyo sahan ku sameeyay magaalada Raaskaambooni iyo deegaannada ku xeeran.
Kormeerka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray qiimeynta adeegyada gurmadka degdegga ah iyo goobaha loogu talagalay caawinta iyo taageerada dadka la kulma tacaddiyada kala duwan, si loo ogaado heerka ay adeegyadaasi u shaqeeyaan iyo baahiyaha jira.
Masuuliyiinta ayaa sidoo kale si dhow u qiimeeyay caqabadaha ka jira deegaannadaas, fursadaha lagu horumarin karo adeegyada iyo baahiyaha bulshada, gaar ahaan dhinacyada amniga, gurmadka degdegga ah iyo ilaalinta dadka nugul.

Sahankan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo adeegyada bulshada, lagu horumarinayo goobaha loogu talagalay taageerada dadka tacaddiyada la kulma, laguna ogaanayo caqabadaha hortaagan helitaanka adeegyada muhiimka ah ee deegaannada Raaskaambooni iyo nawaaxigeeda.