
Guddoomiyaha degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo, Mudane Cabdicaasiis Xareed Cabdullaahi, ayaa shir guddoomiyay shirka qamiislaha ee amniga degmada Baladxaawo.
Kulanka waxaa ka soo qeyb galay guddoomiye ku xigeenka degmada, Mudane Cali Aadan Wehliye, iyo saraakiisha amniga ee qeybaha kala duwan, sida hoggaanka amniga iyo xasillinta Ciidanka Daraawiishta Jubaland Xasan Cibaad, abaanduulaha ciidanka Daraawiishta Jubaland ee degmada Baladxaawo, iyo saraakiil kale.
Shirka ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta howlaha amniga ee degmada Baladxaawo, iyo sidii looga hortagi lahaa wax kasta oo keeni kara amni-darro.
Ciidamada Daraawiishta Jubaland ee ku sugan degmada Baladxaawo ayaa sidoo kale lagu faray inaysan hub ku dhex ridin shacabka, isla markaana ay adkeeyaan amniga shacabka, dhowraanna nafta iyo maalka dadweynaha.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







