
Shirka Khamiis laha ah ee Golaha Wasiirada Jubbaland oo Maanta lagu Ansixiyay Xeerka Ilaalada Gargaarka Jubbaland.
Kusimaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne Kuxigeenka 2aad ee Dowladda Jubbaland Suldaan Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud ayaa Maanta Shir gudoomiyay Shirka Khamiis laha ah ee Golaha Wasiirada Dowladda Jubbaland.
Shirka Golaha Wasiirada ayaa ugu horeyntii Warbixin la xariirta Xaalada Siyaasadeed ee dalka Waxaa Golaha Siiyay Kusimaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne Kuxigeenka 2aad ee Dowladda Jubbaland Suldaan Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud isagoo Sheegay in Jubbaland duulaan sharci-daro ah ay kusoo qaadeen Madaxda Dowladda Dhexe, loona baahan yahay in meel looga soo wada jeesto si looga hortago bur-burinta uu Xasan Sheekh Maxamuud ladamacsan yahay Nidaamka Dowladnimo ee ka jira deegaanada Jubbaland.
Wasaaradda Amniga Gudaha Jubbaland ayaa golaha looga dhageystay Warbixin ku saabsan Xaalada Amni ee Jubbaland iyadoo Shirka Golaha Wasiirada lagu bogaadiyay guulaha ay Ciidamada Jubbaland ka gaareen Dagaalka adag ee lagu la jiro Kooxaha Khawaarijta, gaar ahaan Jabkii xooganaa ee Khawaarijta lagu gaarsiiyay deegaanka Barjala ee gobolka Jubada Hoose, Waxayna golaha isku raaceen garab istaaga Ciidamada si ay uhelaan dhiiri-galin.
Intaas kadib Shirka Golaha Wasiirada ayaa lagu ansixiyay Xeerka Ilaalada Gargaarka oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Jubbaland si loo helo xeer lagu hago gargaarka iyadoo Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Jubbaland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud golaha Wasiirada oga Mahad Celiyay Ansixinta Xeerka Ilaalada Gargaarka Jubbaland.


![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)






