
Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Dowladda Jubaland & wafti uu hogaaminayo oo Gaaray Degmada Dhoobley
Wasiirka Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Dowladda Jubaland Mudane Caydiid Sulayman Xaashi ayaa maanta safar shaqo ku tagay Dagmada Dhoobley ee gobolka Jubbada hoose.
Wafdiga Wasiirka ayaa waxaa si diirran garoonka diyaaradaha Degmada dhoobleey ugu soo dhaweeyay, Guddoomiyaha Degmada Dhoobley, Mudane Xasan Cabdi Hashi, oo ay weheliyaan saraakiisha ammaanka ee degmada.
Soo dhaweynta kadib, Wasiirka iyo masuuliyiinta degmada ayaa si wadajir ah dhir ugu beeray afaafka hore ee garoonka diyaaradaha, taasoo ah tallaabo muuqata oo kor loogu qaadayo wacyigelinta deegaanka iyo dadaallada la xiriira la tacaalidda isbedelka cimilada.
Wasiirka ayaa la filayaa inuu maalmaha soo socda ku sugnaado degmada Dhoobley, halkaas oo Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada ay qorsheynayso inay ka fuliso hawlo shaqo oo muhiim ah oo ku saabsan ilaalinta deegaanka iyo kobcinta fahamka bulshada ee isbedelka cimilada.


![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







