
Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo xilka loogu wareejinayey Cabdiraxmaan Macallin Cali (Xaaji Maaji), guddoomiyaha cusub ee degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose, ayaa lagu qabtay magaalada Afmadow.
Xafladda waxaa ka soo qayb galay maamulka golaha deegaanka degmada, saraakiisha amniga, guddoomiyaha maxkamadda degmada, iyo masuuliyiin kale oo heer deegaan iyo qaranba leh.
Bulshada qaybaheeda kala duwan ayaa si diirran u soo dhoweeyey guddoomiyaha cusub, iyagoo u rajeeyey inuu Ilaahay ku asturo xilka loo igmaday.
Sidoo kale, shacabka ayaa ballan qaaday in ay garab istaagi doonaan guddoomiyaha si uu si hufan u guto waajibaadkiisa shaqo iyo masuuliyadeed.