
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Jubbaland ahna ku simaha Madaxweynaha, Sheekh Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan, ayaa si rasmi ah u furay xafladda daahfurka Xeerka Mamnuucida Naafaynta Xubinta Taranka Haweenka (Gudniinka Fircooniga ah) oo ka dhacday Guriga Martida ee magaalada Kismaayo.
Munaasabadda ayaa waxaa ka soo qeyb galay mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Jubbaland, xubno ka tirsan baarlamaanka, madaxda wasaaradaha arrimaha bulshada iyo caafimaadka, ururrada bulshada rayidka ah, culumaa’udiin, haween, dhalinyaro, iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay si ay uga qayb qaataan wacyigelinta iyo taageerada fulinta xeerkan muhiimka ah.
Sheekh Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in daahfurka xeerkan uu yahay tallaabo horumarineed oo muhiim ah oo lagu difaacayo xuquuqda haweenka iyo badbaadinta mustaqbalka jiilka cusub ee Soomaaliyeed.
Guddoomiyuhu wuxuu sidoo kale bogaadiyay doorka haweenka iyo ururrada bulshada rayidka ah ee muddo dheer ka shaqaynayey wacyigelinta iyo diyaarinta xeerkan.
Wuxuu carabka ku adkeeyay in dowladda Jubbaland ay si buuxda u taageerayso dhaqan gelinta xeerka, islamarkaana laga rabo
dhammaan hay’adaha iyo bulshada in ay ka qeyb qaataan hirgelintiisa.


![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







