
Garoonka Diyaaradaha Degmada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa dib u bilaabay adeegyada duulimaadyada oo hakad ku jiray mudooyinkii ugu danbeyey.
Garoonka Diyaaradaha Dhoobley ayaa mudooyinka ugu danbeeyey waxaa lagu wadday dib u dayactir xoogan oo lagu samaynaayey qaybaha kala duwan ee garoonka diyaaradaha Dhoobley.
Garoonka diyaaradaha Dhoobley in kasta oo dib loo furay haddana waxaa uu furan yahay diyaaradaha ka imaanaya magaalada Muqdisho ama aadaya.
Dadka Rakaabka ah ee ka bixi jiray garoonka diyaaradaha magaalada kismaayo ayaa hadda ku qasban marka ay u socdaan Dhoobley in ay ka wareegaan magaalada Muqdisho.
Qofka Rakaabka ah ee aadaya Dhoobley kana wareegaya magaalada muqdisho ayaa waxaa uu bixinaya laba tikid oo qiimahooda dhan yahay $300 taas oo bulshada reer Jubbaland ku ah dhibaato iyo burbur dhaqaale.
Xayiradaan waxaa soo rogay dowllada Federaalka Soomaaliya ee uu hogaamiyo Xassan Sheekh Maxamuud iyo Kooxdiisa.