
Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Dowladda Jubaland, Mudane Ahmed Baraki, oo ay wehliyaan xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada Jubaland, Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Jubaland iyo Maamulka Degmada Dhobley, ayaa xariga ka jaray Ceel-biyood cusub oo ay Wasaaraddu ka hirgelisay deegaanka Diif.
Ceelkan cusub ayaa ku yimid codsi ay bulshada reer Diif u jeediyeen Wasiirka sanad ka hor, xilli uu xarigga ka jarayay war-biyood laga hirgeliyay deegaanka Diif. Xilligaas, bulshada ayaa codsatay in loo qodo ceel-biyood cusub, isla markaana la dayactiro ceelkii hore ee ay xooluhu ka cabi jireen.
iyadoo laga duulayo baahida jirta iyo codsiga bulshada, Wasaaraddu waxay hirgelisay labadii qodob ee ay bulshadu codsadeen.
Ceel-biyoodkan cusub ayaa noqonaya kii labaad ee laga hirgeliyo deegaanka Diif, wuxuuna qayb ka noqon doonaa ilaha biyaha ee deegaanka Diif iyo guud ahaan deegaanada ku xeeran.
Ugu dambeyntii, bulshada ku dhaqan magaalada Diif ayaa Wasiirka uga mahadceliyay sida uu uga jawaabay baahida muddo dheer ka jirtay deegaanka.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







