Wasiirka Qorsheynta iyo xiriirka caalamiga Jubbaland ayaa kulan kula qaatay magalada Nayrobi Hay`adaha iyo deeqbixiyayaasha Caalamka

1093

Kulan ay soo Agaasintay wasaaradda qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ee dowlad goboleedka Jubbaland kaas oo ay  kasoo qeyb galeen hay`adaha gar-gaarka iyo  deeqbixiyayaasha caalamiga ah ayaa waxa uu ka dhacaey magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.

Wasiirka qorsheynta iyo xiriirka caalamiga Jubbland Aadan Aw Xirsi ayaa kulanka ka dib saaxafadda la hadlay waxaa uu sheegay ujeedka kulankaan uu ahaa sidi ay Hay`adaha iyo deeqbixiyaashaba loo ogaan lahaa halka ay wax u marayaan isla markaana la isla meel dhigay sidi loo dar dar galin lahaa howla la xiriira samafalka ee ay hay’adahan ka wadaan degmoyinka dowlad Goboleedka Jubbaland.

Wasiir Adam Aw Xirsi ayaa wada hawlo badan oo sare loogu qaadayo shaqoyinka ay hay’adaha gar-gaarka ka wadana Jubbaland iyadoo wasaaradda ay kulamo badan la qaatay asbuucyadan hay’ado caalami ah.