
Madaxweyne Kuxigeenka 1-aad ee Dowladda Jubbaland, Mudane Maxamuud Sayid Aadan, ayaa kulan muhiim ah la qaatay Guddoomiyaha Gobolka Mandera ee dalka Kenya.
Kulankan oo ka dhacay Magaalada Nairobi ayaa diiradda lagu saaray sidii xal waara loogu heli lahaa arrimaha la xiriira xuduudaha iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhinaca amniga, gaar ahaan la dagaalanka kooxaha argagixisada.
Labada masuul waxay isla garteen muhiimadda ay leedahay wada-shaqeyn dhab ah oo u dhaxaysa Jubbaland iyo kenya si loo xaqiijiyo nabadgelyo, kor loogu qaado isdhexgalka bulshada labada dhinac, loona fududeeyo isu socodka shacabka.
Sidoo kale, waxay muujiyeen in iskaashi joogto ah uu yahay furaha guusha ee dadaallada lagu xaqiijinayo xasilloonida gobolka.
Kulankan ayaa lagu tilmaamay mid miro dhal ah oo hordhac u noqon kara shirar iyo isfaham dheeraad ah oo mustaqbalka dhow la filayo inay dhex maraan madaxda labada dhinac.