
Madaxweynaha Dowladda Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta guddoomiyay shirkii toddobaadlaha ahaa ee Golaha Wasiirrada, kaas oo looga hadlay qodobo kala duwan oo ay ka mid yihiin arrimaha amniga iyo xaaladda guud ee siyaasadda dalka.
Ugu horreyn, Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ayaa Golaha uga warbixisay dadaallada wacyigelineed ee la xiriira ilaalinta deegaanka, gaar ahaan ka hortagga jarista dhirta. Wasaaraddu waxay xustay inay xoogga saartay ololayaal wacyigelin ah oo laga hirgeliyay qaybo ka mid ah dalka muddooyinkii u dambeeyay.
Sidoo kale, Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ayaa soo bandhigtay warbixin la xiriirta mashaariicda keydinta biyaha oo laga fuliyay degmooyinka Dhoobley iyo Doolow. Wasaaraddu waxay halkaas ka hirgelisay waro biyoodyo loogu talagalay kaydinta biyaha roobka si wax looga qabto abaaraha iyo biyo la’aanta.
Dhanka kale, Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka ayaa Golaha hor keentay Hindise Sharciyeedka Ilaalinta Gargaarka Bani’aadannimada, kaas oo la filayo in Golaha Wasiirradu si rasmi ah u bilaabaan akhrintiisa.
Ugu dambeyntii, Golaha Wasiirrada ayaa si adag u cambaareeyay waxyaabihii kasoo baxay kulankii shalay ka dhacay xarunta Villa Soomaaliya, iyagoo sheegay in kulankaasi aanu waafaqsanayn Dastuurka iyo shuruucda dalka ee heshiiska lagu yahay.




