
Guddoomiyaha degmada Baladxaawo, Mudane Cabdicasiis Xareed Cabdullaahi, ayaa maanta guddoomiyay shirka Khamiislaha ee amniga degmada Baladxaawo.
Shirka oo ay kasoo qeyb galeen Xildhibaan ka tirsan Golaha Wakiilada Dowladda Jubaland iyo saraakiisha amniga degmada, ayaa warbixino looga dhageystay saraakiisha, iyadoo diiradda la saaray adkeynta iyo xaqiijinta amniga guud ee degmada.
Sidoo kale, awaamiir ayaa lagu faray ciidamada gaarka ah ee xasilinta degmada inay si degdeg ah uga jawaabaan xaaladaha amni ee ka jira degmada, maadaama ay isbuucyadii la soo dhaafay ka dhaceen falal amni darro oo kala duwan.
Ugu dambeyn, maamulka degmada ayaa bogaadiyay shaqada ciidamada xasilinta iyo kuwa daraawiishta dowladda Jubbaland ee degmada Baladxaawo, iyadoo ciidamada lagu wargeliyay inay ka fogaadaan wax kasta oo ka hor imaanaya sharciga ciidanka iyo kan madaniga ah.