
Guddoomiye ku-xigeenka degmada Kismaayo ahna Xoghayaha Dowladda Hoose, Mudane Daahir Xuseen Cabdi, iyo Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada ee degmada Kismaayo, Mudane Najiib Barre Salaad, ayaa kulan la yeeshay guddoomiyeyaasha lixda xaafadood ee Magaalada.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka dabiiciga ah ee ka dhashay roobabka, iyo loogu diyaar garoobi lahaa saameeynt ka dhallan karta hadii ay robab da’aan.












