
Ciidanka geesiyaasha ah ee Jubaland iyo kumaandooska Danab XDS ayaa maanta guul weyn ka soo hooyay howlgal ballaaran oo ka dhacay waqooyiga gobolka Jubada hoose, halkaas oo lagu beegsaday kooxaha Khawaarijta.
Howlgalkan oo si taxaddar leh loo qorsheeyay ayaa lagu bartilmaameedsaday goobo ay kooxda Khawaarijtu kaga sugnaayeen deegaanka Qabri Shariif, tiro badan oo ka tirsan Khawaarijta ayaa lagu dilay, halka kuwo kalena ay baxsadeen iyaga oo dhaawac ah, balse ay ku dabo jiraan ciidanka geesiiyaasha ah.
Saraakiisha hoggaamineysa howlgalkan ayaa sheegay in la burburiyay goobihii ay kooxdaasi kaga dhuumaalaysanaayeen deegaanka, isla markaana laga hortagay khataro ay qorsheynayeen in ay fuliyaan.
Ciidanka Jubaland iyo Kumaandooska Danab ayaa maalmihii ugu dambeeyay waday howllgalo khawaarijta lagu naafeeyay oo guulo muhiim ah laga gaaray.