Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayey Guddoomiyaha Degmada Dooloow ee Gobolka Gedo ayaa maanta gaarey degmda Baladxaawo ee gobolka Gedo.

74
Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayey Guddoomiyaha Degmada Dooloow ee Gobolka Gedo Maxamed Xuseen Cabdi oo uu qeybna ka ahaa Taliyaha qeybta 43-aad ee CXDS Gaashaanle sare Cabdirashiid Maxamed Cismaan ayaa maanta gaarey degmda Baladxaawo ee gobolka Gedo.
Sidookale wafdiga waxaa qeyb ka ahaa taliyaha Nabad Sugidda gobolka General Jamaal Xassan sareey iyo mas’uuliyiin kale.
Iyadoona ay halkaasi sii diirran ay ugu soodhoweeyeen Maamulka degmada Baladxaawo oo uu hogaaminayaey Gudoomiyaha degmadaasi Mudane Abdiaziz Xareed Cabdullahi iyo dadweynaha magaaladaasi.
Safarka Mas’uuliyiintaan ayaa waxa uu daarranaa sidii la’ iskaga kaashan lahaa xaaladaha amni iyo sidii looga hortagi lahaa dhagarta cadowga.
Mas’uuliyiinta ayaa sidookale waxa ay la kulmeen odoyaasha dhaqanka deegaanka lidan oo hoostaga degmada Baladxaawo ee gobolka.